XUSKA SANADGUURADA SYL (SYL 15-ka MAY)

HOOS KA DAAWO TAARIIKHDA

 Halkaan ka akhri

Heesta Maanta :DHALINYARO (HADAAN GEESIYAAL DHIMAN JAMHUURIYAD MADHALATEEN) 

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA SYL

SYL

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDII SYL & Xornimada Somaliya 

SYL

Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee  SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo isagoo ay ku mideysanyihiin dadyowgii ku noolaa koofurta Soomaaliya.

Haddaba inta aanan u guda gelinn dhalintii aasaastay xisbigaas iyo axwaashiisa aan is weydiino sida uu ku bilowday fekerka xisbiga iyo dhalintii dhidibada u aastay. 

Dhowr bilood ka hor 15kii May ee 1943kii, waxaa la isku raacsanyahay in C/qaadir Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke, oo ahaa laba saaxiibo oo aad isugu fog, ay is weydaarsadeen afkaar la xiriirta nidaamka gumeystaha iyo sida looga bixi karo iyadoo midba feker gaar ah uu qabay. 

C/qadir Sheekh Sakhaawadiin oo ahaa ninkii keenay fekerkaas ayaa qabay in la aasaaso Jimciyad Islaami ah oo umadda mideeya inta Xisbi siyaasi ah loo gudbin, halka uu Yaasiin X. Cusmaan uu ka qabay in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo shacabka oo dhan metela.


Wadahadaladooda way joogteeyeen iyagoo dhalin kalena kusoo biiriyay, illaa ay markii dambe  isku raaceen in la aasaaso naadi ay dhalinta ku kulmaan oo ay isku  bartaan waxna isku baraan gaar ahaa ku bartaan Luqadda Engriisiga  oo aheyd mid ku cusub dalka,inta laga gaarayo waqti ku haboon oo xisbi siyaasi ah isu beddeli karo naadigaas, waxyna ugu magac dareen SYC Somali Youth Club.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaas waxay isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:- 

  • In xukuumadda Engriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaa in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC.(Somali Youth Club) oo dhalinyarada ku kulanto.

  • In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.

  • In la dejiyo barnaamij kumeel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayay 13kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaas ay qabeen in  fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen in ay xarig muteysan doonaan,laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:- 

( Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwa hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan..)

Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin. 

Maalmo ayay jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.


Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga.
 

Sheekh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur(Siidii) loo doortay ku xigeeno iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye. 


Xisbiga oo ujeedadiisa fog ay aheyd ka xoreynta dalka gumeystaha kusoo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladaa iyo midab kala sooca.
 

Dhaliyaradii aasaastay xisbiga SYC oo markii dambe isu beddelay SYL (Somali Youth Lego)     waxay ahaayeen 13 dhalinyaro oo da’doodu aad u yaraeyd aqoontoodan aad u xaddidneyd. Waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa magacyadooda iyo da’dooda iyo weliba sidii xubin nimada ay ugu kala horeeyeen:-

Magaca, Meesha uu ku dhashay, iyo Sanadka dhalashada.

1.    Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Tayeeglow  Bakool 1919    24 Jir

2. Maxamed Xirsi Nuur(Siidii), Mareeg  G/gadud 1915     28  Jir 

3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo  Mudug 1917  26 Jir

4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho Banadir 1917 26 Jir

5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho Banadir 1925 18 Jir 

6. Dheere Xaaji Dheere  Muqdisho Banadir 1926    17 Jir 

7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne)  Hobyo Mudug  1925 18 Jir 

8. Cali Xasan Maslax  mahubno meesha uu ku dhashay 1919 24 Jir 

9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho  Banadir 1927    16 Jir 

10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg G/gaduud   1925  18 Jir 

11. X. Maxamed Cabdulaahi Xayeesi  Muqdaisho  Banadir  1918    25 Jir 

12. Huudow Macalin Cabdulaahi Saalax  Mareereey Sh/hoose  1926 17 Jir

13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere  Gedo 1910    33 Jir 

kuma koobnaanin 13kaas nin ee markiiba waxaa kusoo biiray dhalin aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xisbigaas SYL,waxaaba la oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka. 

Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda. 

W/D: Safiyo Abukar Karaani
SomaliSwiss@hotmail.com

(FG. Qormadaan waxaan ka xigtay Aabahey Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abukar Dariisho) oo ka mid ahaa dhalintii ku xigtay 13kii dhaliyado ka dib iyadoo sawiradana uu igaga tegay Allaha u naxariistee..). waxaan ka codsanayaa akhristayaasha in ay ka raali noqdaan wixii khalad ah ee ay kala kulmaan qormadaan ilana soo socodsiiyaan si aan u saxo.Mahadsanidiin. 

SYL

15May

Taalada SYL

SYL

Xuskii 15-May ee ugu Horeysay


Xuskii 15-May ee ugu Horeysay

Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L

Qaar ka Mid ah Dhalintii S.Y.L OO ay ka dhaxmuuqdaan Xaaji Maxamed Xuseen iyo Daahir Dhaga Weyne


Taagan: Xaaji Abuukar Maxamuud Karaani (Abuukar Dariisho) Fadhia: Axmad Shire Laxaawo


Xaaji Maxamed Xuseen “gudoomiyaha Xisbiga S.Y.L  oo Khudbad Jeedinaayo

somsyl

Sayidka

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

somali resulation

Somali Resulation

GUUL SOMALIA 

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA SYL

HALKAN KA DAAWO VIDEO TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

DAAWO TAARIIKHDA SOOMAALIYA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO 

SOMALI HISTORY PART THREE

TAARIIKHDA WALAALAHA JABUUTI

XUSKA 26-KA JUUN & 1-DA JUUNYO Xornimadii Soomaaliya.

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

  1. TAARIIKHDA SOMALIYA 1800 to 1991 (Film (Somali-English)
  2. MAGACYADA IYO TAARIIKHDA DHALLINYARADII SYL
  3. TAARIIKHDII XORNIMO DOONKA IYO SYL.( Video English)
  4. TAARIIKHDII MADAXWEYNE ADEN CABDULLE CISMAN.
  5. MADAXWEYNE MAXAMAD SIYAAD BARRE (Maqal-Muuqaal).
  6. WAXQABADKII KACAANKA IYO XISBIGII HANTIWADAAGA KACANKA -GOLAYAASHIISII IYO AWOODAHA AY LAHAYEEN (Maqal, Muuqaal iyo Qoraallo)
  7. DAAWO BARNAAMISH KA HADLAYA TAARIIKHDA SOOMAALIYA OO AAN IDIIN DIYAARINNAY.(Video Somali)
  8. TAARIIKHDA URURADA DIINTA SOOMAALIYA IYO KOBOCOODII (Billoow ilaa dhamaad).

HALKAN KA DAAWO TAARIIKHDA DALKAAGA

SOMALI HISTORY PART ONE

SOMALI HISTORY PART TWO 

SOMALI HISTORY PART THREE

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER.

Qeybta 1aad

Qeybta 2aad

Qeyba 3aad 

Other Somali History files (Barnaamisho kala duwan oo kale kana hadlaya taariikhda Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyay:

Mohamed Saadaq iyo

Yusuf Garabey

SYL

HALKAAN KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH OO AAN KA DIYAARINAY Waxqabadkii Kacaanka: 21-kii Sano ee Mileteriga iyo 21-Kii sano ee Maleeshiyaadkii Magacyo badan.

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER

HALKAAN KA DAAWO BARNAAMISHYO KALA DUWAN OO KU SAABSAN TAARIIKHDA DALKA SOOMAALIYA

KHUDBAD UU JEEDIYAY SIYAAD BARRE 7-DII MAY 1970

HALKAAN HOOSE KA DHEGAYSO BARNAAMISH GAAR AH: 21-ka OCTOOBER

Fadlan, ogsoonoow, heesaha Qaarkood waxaa laga yaabaa inaad u baahato haddii aadan heysan barnaamish-ka Flash player si aad ugu dhegeysato halkaan, haddii kale kuuma soo baxayaan.

Waxaa soo diyaariyey:

Yusuf Garabey

Mohamed Saadaq iyo

Safiyo Abukar Karaani

——————————————————————————————————–

Copyright © SomaliSwiss 2010 – 2013,  SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info. Xuquuqda Sawirada bogaan ku jira iyo qoraalkuba waxay u gaar yihiin SomaliSwiss Media. Fadlan haddii ay jiraan wax qalad ah oo aad ku aragto bogaan maaha ulajeedo ee naga sax oo nala soo xiriir, haddii kale Wixii Talo, Tusaale, Dhaliil iyo Ammaan ah, intaba si farxad leh ayaan u  soo dhaweynaynaa ee noogu reeb commenti-gaaga halkaan hoose, ama noogu soo dir E-mail-ka halkaan Hoose ku qoran. Mahadsanidiin.

SomaliSwiss@hotmail.com

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: