XILDOONKA REER XUKUN U DIRIR (Faroole Files)

Halkaan ka akhri

HORDHAC GUUD

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole, waa nin ceynkee ah, taariikhdiisii hore, Barnaamishkaan horu dhaca ah ugama hadlayno, balse waxaan idiin soo hormarineynaa, goos goos yar oo ku saabsan dagaalkii uu u galay sidii uu ku noqon lahaa, madaxweynaha dowladda Puntland. HALKAAN KA DHEGAYSO HORDHACA BARNAAMISHKA.

C/raxmaan Faroole, wuxuu xilalka wasaaradaha qorsheynta iyo maaliyadda ka soo qabtay, xukuumadihii soo maray maamul goboleedka Puntland.

Madaxweynaha xilligaan ee Puntland C/raxmaan Faroole, wuxuu dagaal adag oo afka ah u soo galay sidii uu ku qaban lahaa, xilka Madaxweyne nimo ee  Puntland, kaas oo dhex maray isaga iyo Cadde Muuse.

Faroole ayaa madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde Muuse ku eedeyay inuu la heshiiyay shirkado shidaal, isagoo sheegay inuu saxiixay heshiisyo uusan xaq u lahayn hirgelintooda.

Faroole oo intii uu ka tirsanaa golaha wasiirada saxiixay heshiis, shidaal baaris oo ka horeeyay kan uu Cadde muuse ku eedeynayay ayaa lawaydiiyay, sababta uu Cadde ku eedeynayo haddii uu isaguba hore u saxiixay heshiis shirkado shidaal baaris oo kaas ka horeeyay, isla markaana sababay dagaal gacan ka hadal ahaa oo ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen, hase yeeshee Faroole wuu iska fogeeyay arrintaas.

Barnaamishka qeybtiisa dambe ayaad haddii Alle ogolaado uga bogan doontaan dagaal kale oo uu hadda ugu jiro inuu qabto xilka madaxweynaha Soomaaliya ee mustaqbalka dhow, sidoo kale waxaad ka bogan doontaan  guud ahaan barnaamishkiisaan oo dhamays tiran ee  la soco waqtiyada soo socda inshaa Allaahu.

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: