Advertisements

MAXAMAD SIYAD BARE 1970

Halkaan ka Dhageyso khudbadii ugu horeysay ee Siyaad Barre Jeediyay

Jaalle M. Siyaad Barre

Calan kaliyaa oo meel kalushaa xurnima lama yiraa

Gumeysiga wuxuu ku fadhiyaa dhaqaalaha

Gumeysiga wuxuu ku fadhiyaa mabaadii’ada marki lagaa dilo

Gumeysiga wuxuu ku fadhiyaa marki qowmiyada lagaa dilo

Gumeysigu wuxuu ku fadhiyaa marki mindiyo leysugu kaa dhiiboo leysku kaa diro

Kuwa ka indha xiran oo indhahooda iyo maskaxdooduba ay kadaboolan tahay…….

Halkaan ka dhegayso Khudbaddii Xasaasiga aheyd ee bishii May 7deedii 1970kii iyo wixii uu ka yiri midabka uu gumaysi leeyahay.

Halkaan ka dhegayso (DARDAARANKII AAN LA DHEGAYSAN) Khadbaddii ugu dambeysay ee Siyaad Barre Jeediyay, Kuna macasalaameeyay Soomaalida, oo wixii uu xilligaas ka hadlayay maanta taaganyihiin.

NOLASHII KACAANKA.

Xiligan oo ah muddadii u dhaxausay Inqilaabkii MILITARY ee xukanka dalka qabsaday 1969-1991, dadka qaarba magaca ay jecelyiihiin bay ugu yeeraan, Sida Xukunkii Askarta, Kacaanka ama Nidaamkii Hantiwadaagga iyo xukunkii M.S. Bare.

Waxaan qabaa in uusan magaca.bixinto, aysan macna-wayn la hayn, ee waxa macnaha keenayaa yahay Nuxurka ka dhashay magaca. Waxaase la isku waafaqsanyahay in ay tahay marxaladdii Nidaamkii S.Barre , magac iyo astaana iyada ayaan u qaadanayaa. Labaatankii sano ee nadaamkani dalka maamulayay, waxaa caddan ah in aan la filayninin in uu dhasho, wax Barlamaan lagu magaccabi karo, oo waxayba ka soo horjeedaa Dabeecadda nidaamka dalka laga dhisay, oo ahaa XUKUN ASKAREED. Wuxuuna ahaa hal nooc oo keli-talis ah amse hal marxalad oo laba magac loogu kale yeeray, balse waxaan oran karnaa halkii magac ayaa laba loo sii bxiyay. Muddadan kacaanka waxaan u arkaa in aysan wax-badan innaga qaadanhaynin, haddu yahay waxa lag hadlayaa Barlamaan iyo noloshiis. Inkasta oo hal marxalad lagu magacaabi karo, haddana waxaan u kala qaadayaa seddex marxalood oo uu soo maray Nadaamkii S.Barre, kuwaas oo aan midba si kooban u eegi doonno. waana:

1- GOLAHA SARE EE KACAANKA:

Markii ciidamadu inqilaabka ku rideen Dawladdii la doortay Oktoobar 1969kii, waxay dhiseen Golihii Sare ee Kacaanka , oo ka koobnaa 25 sarkaal, oo isgu jira 20 Xoogga dalka ah iyo 5 Poliska ah, oo madax uu u noqday M.S. Barre oo markaa ahaa Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed. Golahaasi wuxuu la wareegay Awooddii Dalka oo idil, tii Sharci-dejinta, ( Barlamaan) tii Fulinta ( Xukuumadd) iyo tii garsoorka. Waxaa kale oo ka mid ahaa tallaabooyinkii ugu horeeyay uu golahaasi ku dhaqaaqay kala diriddii Barlamaankii la soo doortay, baabi’intii Dastuurkii Qaranka 1961 kii, Mamnuuciddii dhammaan Axsaabtii siyaasadeed, iyo ururadii madaniga ahaa ee ka jiray waddanka. Mar haaddii Awooddi oo dhan ay ku ururtay hal hay’ad oo waliba askar ah, waxaa Soomaliya u bilaabatay cahdi Dektaatooriyad, oo la mid ah kuwii ka jiray meelo kale oo addunka ka tirsan siiba Laatiin America, bariga dhexe iyo africa. Billawgii Kacaanka waxuu lahaa golaha Sare awood wadaag, wax lagu timaami karo, laakiin sannad ka dibba awoodaas waxay ku ururtay gacant Madax-waynihiisii M.S.Baree, golihiina waxaa u soo haray magac qur ah. Waqtigaas meeshaba ma oollin wax barlamaan iyo noloshiisa ah oo aan ka haddalla.

2- XISBIGA HANTI-WADAAGGA KACAANKA S.

1976 dii waxaa la asaasay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacanka Soomaaliyeed. Waxaana ka soo qayb-gelay shir-waynihii lagu asaasay xisbiga 3000 qof oo la isugu geeyay meel Xero ciidan ah. Dadkaas waxa baddi laga soo xulay, degmooyinka Dalka, xaafadaha magaalooyinka iyo hay’adaha dawladda meelihii lagu magacaabi jiray Xarumaha Hanuuninta iyo ururada balshada. Dadkaas intooda badan waxay ahaayeen, dad aan aqoon la hayn, oon waxna qorin waxna akhriyin. Waxaana shirkaa asaasidda Xisbiga lagu magacaabay Gole-dhexe oo ka kooban 42 qof, oo bar ka mid ahi yihiin golihii sare ee kacaanka, inta kalana wasiiradii markaa jiray iyo saraakiil ciidamada laga keenay. Waxaa lagu soo daray tiro yar oo la keenay Ururadii Bulshada, sida ururada shaqaalaha, Hawaynka, Dhallinyarada iyo Iskaashatooyinka Golahaas-dhexe, wuxuu u doortay M.S. Baree Xoghayaha Guud ee xisbga, Waxaa la baabi’iyay Golihii Sare ee Kacaanka, Seddexdii Awoodood ee qarank, ayaa mar labadd loo soo raray Golaha Dhexe ee xisbiga Magac ahaan, dhab ahaanna waxay mar kale loo soo raray gacanta Xoghayah Guud. Oo isku darsaday jagooyonkii Dalk ugu sareeyay dastuuri ahaan oo kala ah_

1- Xoghayaha Guud ee XHKS.

2- Madax-waynaha jumhuuriyadda

3- Ra’iisu-wasaaraha Xukuumadda.

Xisbiga waxaa loo dhisay habkii Nidaamyada xisbi-kaliyeedka ah ee ka jiray Waddamada Shuuciga ah ( One Party system). Oo aan la ogolayn xisbi kale iyo Ra’yi kale oo siyaasadeed. Waxaa kale oo la mamnoocay wax Organisation ah nooc kastaba ha ahaado eh, haddoosan ahayn ku Xisbiga ku xiran ama sidii loo yaqiin Baalasha Xisbiga. Dhamaan ururadii bulshadana waxaa si toos ah loo hoos keenay Xisbiga oo waxay u shaqaynayaan waaxyihiisa oo kale Marxaladdana way iska caddahay iyadana, inaysan meeshaba oollin wax Barlamaan iyo noloshiis ah oo laga hadlaa.

3- DAGAALKII XABASHIDA:

Markii laga soo noqday Dagaalkii 1977-1978, ee soomalida iyo Xabashida, waxaa dalka soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale, Siyaasadd iyo Habbiso gudaha ah. Xagga dhaqaalaha, waxa si xad-dhaaf ah u batay, deenkii Dibadda iyo kii gudaha, waxaa mesha ka baxay gabi ahaanba kaalmadii dhaqaale iyo Military ee Midawga Sofyeeti, oo ahayd midda uu run ahaan ku tiisanyahay dhaqaalaha dalku. Waxaa si aad u kurdhay kharashkii ciidamada, waxaa qiima_jabay shilinkii Soomaaliga, oo intii Dagaalkaa ka horaysay ahaan jiray lacag-adagg, waxaa ciriiri gelay maciishaddii dad-waynah. Xagga siyaasadda waxaa mesha ka baxay taageeradii Sofyeetka oo ahaa quwadda Calami ah, firaaqo ayaa halkaa ka dhashay, quwaddii kale ee reer-galbeed ma booxinin kaalintaa banaanaatay, marka laga reebo diplomaasiyadd Afka-baarkiisa ah. Gudaha Dalka waxaa bilaamay guux-dadwayne iyo caro xagga ciidanka ku baahday, Guud ahaan la liqi waayay natiijadii dagaalka.oo loo arkayay in Soomaalidu military ahaan guulaysatay, laakiin siyaasad ahaan fashashay. Dareenkaa guud wuxuu dhaliyay, isku day Inqilaabkii 9 abriil 1989kii ee uu hogaaminayay Col. Maxamuud sh. Osmaan ( CIRO). Dilkii toogashada ahaa ee lagu laayay Saraakiishii ka qayb-gashay Inqilaabkaa, waxaa ku burburtay midnimadii Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo tii Qabaa’ilka Somaaliyeed ee uu ka koobanyahay shacabku. Dhaawicii soo gaaray midnimadii ciidanka iyo shacabka, waata abuurtay Jabhadaha qabaa’ilka ku dhisan, oo taageero ka helay Dalkii Itoopia ee dagaalka lagu la jiray, waana tan ay manta la dhutinhayso Umadda soomaaliyeed.

LABA KACLAYNTII:

1980kii ,markuu arkay dhibaatooyinka dalka ka jira ee dhaqaale, siyaasad. Iyo bulshu, ayuu M.S.Bare ku dhawaaqy waxa uu ugu yeeray Laba kaclayn iyo turxaan-bixin. Uu sheegay in ay Kacaankii 21 oktobar, ka leexisay jidkiisii, haddana dib loogu soo celinayo. Waxaase ku ku dhamaatay khudbado ayaamo socday kaddibna isku demay

4- GOLAHAYAASHA SHACBIGA:

Waxaa golaha dhexe eeXHKS, go’aamiyeen in la qabto Doorashin, guud oo lagu soo dooranayo:

1- Madaxweyne.

2- Barlamaan.

3- Golayaal-Degaan.

Kuwaas oo lagu tilmaamay in yihiin tallaabooyin lagu xaqiijijnayo Diimoqraadiyadda, isla markaana ay Ciidamada qalabka sidaa ku oofinayaan, ballan-qaadkoodii 21 Oktoobar 1969 kii ee ahaa in ay Awoodda dalka dib-ugu-celin doonaan shacabka marku uu u bislaadu. Waxaa la qabtay doorashu, madaxwanne1981dii, mana ahyn mid lagu tilmaami karo doorasho Arimahan hoos ku qoran darteed:

1- Ma jira wax tartan ah uu ogolaanayay nidaamkii Xisbiga u dagsanaa, oo ahaa oo uu yahay hay’adda kaliya ee xaq u leh inay soo rashaxdo Madaxwaynaha. Xisbiguna wuxuu soo Rashaxay Xoghayihiisii Guud M.S. Bare.

2- Hal musharax hadday arinto ku koobantahay lama dhihi karo wax baa la kala dooran, saa meeshaba lama ogola in wax la doorto, waana tii ay ku sooo baxday shiribkii ahaa( Nin dooran , ay dooro leeyihii, ya hoy, way danbaajiha).

3- Waa afti dadwayne oo dadka waxaa loo ogolaa in ku codeeyaan HA iyo MAYA midkood. Natiijadiina waxay noqotay sidii lagu yiqiin nidaamyada hal-xisbiyeedka kali-taliska, oo ah 99,99 boqolkiiba , waana mid la sii wada ogyahay inta aan la qabanin cadaynta.

Haddan wax-yar ka tilmaanno golihii shacbiga ee qaranka( Barlamaan) iyo golayaashii degaannada ( Dawladaha Hoose), waxaannu markiiba isha ku dhufanhaynaa arimo yaab leh oo aan weli adduunka soo marin , waxayna ahaa-yeen kuwo uu soo hindisay M.S. Bare. Uma jeedo arimaha la xiriira, habka doorasha iyo si caddaalad ah ma dhacday mase maya? Ee waa kuwo khuseeya nuxurka macnaha wakiilnimada xubinta golayaasha, Waana kuwan tilmaamahaasi qaarkood:

1- Golaha Qaranka oo ka koobna 150 xildhibaan-magaca markaas baa la bixiyay- waa tiro isku duuban, oo waddanka oo dhan wakiil uga ah si duu-duub ah, loo ma kala saarin gobol iyo degmo. Marka lama yaqaan qofka Xamar wakiilka ka ah, kan Baydawo, Kismaayo Saylac…iwm.

2- Waddanka magalooyinkiisa , goboladiisa, iyo degmooyinkiisa, lama yaqaanno tirada xildhibaan uu midba leeyahay. Balse waxaa la oran karaa midna waxba ma ma laha.

3- Golayaasha dagaanka oo degma kasta loo qoondeeyay, degmana kama xigto demooyinka kale ee dalka, oo waxaa looga codaynayaa dalka oo dhan .Tusaale ahaan Golaha dawladda hoose ee Zaylac, waxaa u codeenaya dadka kismaayo deggan oo ayna badankood arkin Saylac wligood haddana u socon. Waa nidaam aan weli sheekana lagu maqal.

Falsafadda ka danbaysay Fikraddaas waxay salka ku haysaa in meesha laga saaro, in xubnaha goliyaasha ay wakiil ka yihiin Magaalo, Degmo ama Gobol. Si uusan xildhibaanku u dareemin in uu ku soo galay golaha, abtirsiinta uu ku abtisanayo gobolkaa, degmadaa ama magaaladaa. Taas waxaa lagu bedaly fikradda ah, Xubinimada Golaha waxaa kuu gartay: ku abtirsiga Xisbiga iyo Xughayihiisa Guud.

4- AWOODDA GOLAHA SHACBIGA:

Golahaan oo ka dhigna barlmaan wuxuu lahaa, awood dastuuri oo ballaaran marka la eego xagga Dastuurka siiba sharci dejinta iyo kormeerka hay’adaha dawladda. Lakiin marka laga eego xagga waqica dhulka yaal, wuxuu iska ahaa Magac-u-yaal. Waana kan habkii uu u hawl-gali jiray:

1- Goluhu waxuu yeenlan jiray laba KAL_FADHI sannadkii, oo middiiba yahay Saddex casho. Xubnihiiso waxay ahaayeen dad Mas’uuliin ka aha hay’adaha kala duwan ee dawladda, wasiiro. Xubno golaha dhexe ee Xisbiga, sarakiil ciidan. Hawl-wadeenno dawladeed , madax ururo bolsho … iwm. Xubin kastaa wuxuu mashquul ku yahay hawshiisii caadiga ahyd, ee mushaharka uu ku qaato, tan goluhuna waxay ahayd iska sharaf iyo magac qur ah..

2- Goluho waxuu lahaa waxa lagu yiraaho GUDDIGA JOOGTADA ah, oo ka kooban ilaa 18 qof , oo ay ku jiraan Goddoonka iyo xoghaynta. Wixii sharciyo ah guddigaan ayaa loo soo gudbiyaa, isagaana waafaqa oo golilhii wakiil ka ah.

3- Kal-fadhiga marka la isugu yimaado waxaa la waafaqaa, sharciyadii uu sii ogolaaday G.Joogtada ah, muddadii u dhaxaysay labada ka-faddhi.

4- Waxaa ka mid ahaa rashaxaadda madaxwaynaha, laakiin waxaa hortiis soo rashixi jiray G.dhexe ee xisbiga , wax dood ahna marna kama dhicin.ee waa laga ASIXIN jiray, tartanna warkiba daa.

5- Xubnaha goluhu , dhammaatood waxay ahaayeen mas’uuliin dawladeed, mana jirin wax-qabadd muuqda, oo ay ku la haayeen hawlaha golaha, inta aan ka ahayn guddiga joogta ah.

6- Maamulka kacaanka u lama jeedin dhismaha golayaasha shacbiga, ku siqid dhinaca diimoqradiyadda, ee waxay ka ahayd buuxin kaalin ka bannaan qayb wayn oo ka mid ah qaybaha Hay’adaha qaranka iyo ku dayasho Nadaamyayadii shuuciga ahaa ee ku wareegayay giraanta Midawgii Sofyeeti. Kuwaas oo barlamaanadoodo ku ekaayeen magac iyo muuqaal, runtiina aan lahayn awood dhab ah oo la taaban karo.

7- Golihii shacabku sidaas buu u ahaa magac u yaal , ka maran nuxur barlamaan, Mana jirin wax lagu sheego nolo barlaman ee wuxuu iska ahaa Ansixiye. Ama waxa loo yiqiin Rabar-stamp.

Gabagebadii waxaa oran karaa waqtigii Kacaanka ma jirin barlamaan iyo noloshiis waaqica dhulka yaallay, dadkuna weligi ma dareemin jiritaankooda, ka mana hadlin ku mana hadaaqi jirin. Taas macnaheedo ma aha in 20 sano ee Kacaanku Dalka maamulayay, aan waxba la qabanin, mana jiro qof wax garannaya oo taas ku addacoon karo, waxaanse ka hadlay oo kaliya hal dhinac, oo ahaa kii inoo soo taxanaa ee barlamaan iyo noloshiis. Kacaanka waxa lagu xusuusta laba arimood oo iska soo horjeeda. Tan hore waa Dhismaha Dalka, tan labaadna waa cadaadinta Dadka. Labada arimoodba , waxuu ku leeyahay raad-wayn oon cidina inkiri karin.Waase labo arimood oo ka baxsan mawduuceenna maanta. Barlamaannadii hore ee awoodda buuxda lahaa ee ka jiray dalka kacaanka ka hor iyo kii Kacaanka ee magacu-yaalka ahaa, labaduba waxay lahaayeen DAL IYO DAWLADD.

HOOS KA DAAWO WAXQABADKII KACAANKA IYO KHUDBADIHII SIYAAD BARRE IYO GOLAYAASHII XISBIGII HANTIWADAAGA KACAANKA OCTOOBER.

Qeybta 1aad

Qeybta 2aad

Qeyba 3aad

TAARIIKHDA XORNIMADII DALKA SOOMAALIYA SANADKII 1800 ILAA 2013:

TAARIIKHDA SOMALIYA 1-aad

Xornimadii Soomaaliya 26-ka Juun & 1-da Luulyo.

TAARIIKHDA SOOMALIYA. Q.2-aad 

DAGAALKII 1977 EE DHEX MARAY SOMALIA & ETHIOPIA

TAARIIKHDA SOOMALIYA. Q.3-aad 

DAGAALKII JABHADAHA IYO AFGEMBIGII KACAANKA IYO WIXII KA DAMBEEYAY

TAARIIKHDA WALAALAHA JABUUTI

Other Somali History files (Barnaamisho kala duwan oo kale kana hadlaya taariikhda Soomaaliya

Waxaa soo diyaariyay:

Mohamed Saadaq iyo

Yusuf Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: