Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay dalka Norway.

Norway_Nin_Caruuurtiisii_dilayMuwaadin Soomaaliyeed ayaa ku dilay magaalo ku taalla dalka Norway xaaskiisii, isagoo dilkeeda u adeegsaday billaawe (Tooreey ama Mindi); taasoo la yaab ku noqotay Soomaalida dalkaas ku nool, iyagoo arrintan si aad ah uga argagaxay oo u hadal-haya. Continue reading

Xaafad Casriya oo dhowaan laga dhisayo Degmada Dayniile.

cartavillageXaafad Casriya oo ka koobnaan doonta Guryo deegaan oo heer caalamiya u dhisan, Xarumo caafimaad, Dugsi Hoose-dhexe, Goobo laga Dukaameysto, Maqaayado, Garoon Ciyaareed, Beer nasiino, Barkad Dabaal, Hooso ama (Parking) iyo Derbi ku wareegsan xaafadda oo idil ayaa dhowaan laga hirgelin doonaa meel u dhow degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE Continue reading

Muslimiinta ku nool Kanton luzern iyo gobalada u dhow oo shalay Xafladdii Ciidul Fitriga ku sameeyay Masjidka Al-huda

 LuzernCulimaa’udiinka, wax garadka, dhalinyarada Haweenka iyo caruurta ayaa waxay shalay axadda ahayd markii la tukaday saladii Duhurka  ka dib  taas oo malintii axada lagu qabtay masjidka  somalida ee Kanton Luzern xafladii lagu weynaynayey munaasabadda ciidul-Fitriga. Continue reading

SIYAASIYIIN IYO JAALIYADDA BEESHA GAALJECEL OO SHIR WADA TASHI AH KU YEESHAY MAGAALADA LONDON.

IMG_0379Shirkii wada tashiga beesha ee dhacay maalin-nimadii shalay oo ay Taariikhdu ahayd 19-ka MAY, isla markaana ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo ka tirsan qeybaha kala duwan beesha Gaaljecel, sida; (Siyaasiyiin, Odayaal, Haween, Aqoonyahanada iyo Dhalinyarada), ayaa Beeshu waxay kaga hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: HOOS KA DAAWO SAWIRADA SHIRKA Continue reading

Dowladda Holland oo maanta bilaabeysa in ay dalkeeda ka tarxiisho Soomaali fara badan oo wadankaasi ku noolaa.

somalie HollandDowladda Holland ayaa maanta bilaabeysa in ay u tarxiilaan dufcaddii ugu horeysay qaxooti Soomaaliyeed oo loo musaafurinayo dalkoodii Hooyo, kuwaas oo Netherland  hore u weydiistay megengelyo, hase yeeshee laga diiday codsiyadoodii. Continue reading

Shirkadda Mooska FRUITSOME oo Heshiisyo la gashay Shirkadaha DOLE iyo DEL MONTE.

somali fruit

Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweyne caalami ah oo looga hadlayay dhoofinta Mooska iyo miraha kale kaasoo socdey 06 illaa 09 bishaan feberaayo, arrimo ku saabsana shirkaas iyo heshiisyo ay soo gashay ayay mas’uuliyiinta shirkadda Fruitsome kaga warbixiyeen xaruntooda Muqdisho ee Soomaaliya. Continue reading

AXMED SIILAANYO: Kama qeyb galayno shirka London haddii uu wax u dhimayo karaamadeenna.

sharif iyo siilaanyo 4Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in aanay shirka Arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bisha May ka dhici doona magaaladda ka qaybgali doonin hadii ay u arkaan in karaamadda iyo qaranimadda Somaliland wax u dhimayso. Continue reading

%d bloggers like this: