HESHIIS SIR AH: KENYA IYO ETHIOPIA OO KU HESHIIYEY IN AY SI XEELADEYSAN U QEYBSADAAN SOOMAALIYA.

Kenya-Ethiopia

Heshiis ka kooban 9 Qeybood oo qeyb kasta ay kasii kooban tahay qodobo kala duwan ayaa qeexaya in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in maamullada laga dhisayo ama loo sameynayo Bartmaha iyo Koofurta Soomaaliya aysan u madax banaaneyn dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh, sidaasi darteedna ay tahay in ay markasta 3-dal ee Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ka wada tashadaan wixii shaqo ah oo laga qabanayo qeybahaas gudaha Soomaaliya. HOOS KA AKHRI ORIGINAL DOCUMENT SOMALI & ENGLISH. Continue reading

Musharaxiin madaxweyne iyo Oday dhaqameedyo lagu eedeyn doono dhowaan fadeexado laaluush qaadasho iyo bixin.

Qaar ka mid ah madax dhaqameedyada ku sugan magaalada Muqdisho ee soo xulaya Xildhibanada baar lamaanka cusub uu yeelan doono iyo siyaasiyiinta dooneysa in ay noqdaan madax-weynaha Soomaaliya ayay dhowaan hareynaysaa fadeexad ku saleysan laaluush qaadasho iyo laaluush bixin. HOOS KA AKHRI WARBIXIN DHEER Continue reading

QEYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DASTUURKA QABYADA AH OO DHAN IYO QODOBADA UGU CAD CAD (Final Copy)

Bishaan Juun 22, 2012 waxay Magaalada Nairobi saxiixa yaasha RoadMap isla ogolaadeen oo ay qalinka ku wada jiideen  Qodobada ay u garteen inuu ka koobnaado Dastuurka Qabyada ah oo ay  nuqulkiisii ugu dambeeyay wada saxiixeen, kaas oo maalmaha soo socda loo gudbin doono odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho. NUQULKII UGU DAMBEEYAY HOOS KA AKHRI ISAGOO DHAMEYS TIRAN AMA QEYBAHA MUHIIMKA AH Continue reading

Todoba Dukuminti oo ay Nairobi ku saxiixeen Saamileyda Road-Map iyo Guddiyo ay fulintooda u xilsaareen.

Sida ku cad Dukumiintiyo kala duwan oo ay ku saxiixeen heshiisyo 7 qodob gaaraya oo ay magaalada Nairobi qalinka ku wada jiideen, Saamileyda Barnaamishka loogu magac daray ‘Qorshe howleedka tubta kala guurka ‘Road Map‘, waxaa lagu magacaabay kulankaas, 4 Guddi oo fulin doona 7 heshiis, kuwaas oo kala ah:- Continue reading

Tirada Lacagta Miisaaniyad Sanadeedka dowladda KMG, Immisaa laga xaday, Meeqaa loo xareeyay 2009-2010.

Sida ku cad Warbixino iyo Dukumintiyada Laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan Dhaqaalaha, waxaa jira Miisaaniyad lacageed xisaabsan, Dhaqaale joogto ah iyo mid aan joogto ahayn oo meelo kala duwan ka soo gala dowladda, taas oo gaareysa  $122,660,000 sanadkiiba, kana timaada gudaha iyo dibadda. HOOS KA AKHRI ORIGINAL DOCUMENT. Continue reading

%d bloggers like this: