Afar wiil oo walaalo ah ayaa ku geeriyoodey, kadib markii xalay uu kusoo dumay dhismihii qadiimiga ahaa ee Bateero gurigooda oo ku yaalla degmadda Shangaani ee magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen.
Aabbaha dhalay caruurtan geeriyootay oo lagu magacaabo Jimcaale oo warbaahinta gudaha lahadlay ayaa sheegay in caruurta ka geeriyootay ay da’dooda u dhexeysay 16 ilaa 3 sano jir, isagoo si qiireysan u shaaciyay inuu ku qanacsan yahay qadarta Alle.
Waxsa uu sheegay in caruurta ay seexan jireen gudaha guriga, balse caruurta uu banaanka usoo seexiyay maadaama uu xalay jiray kuleyl daran, dad gaaraya 11 ruux oo qoyskiisa ah ayuu sheegay in ay ka badbaadeen musiibadan.
Si kastaba, Dhismaha ay deganaayeen marxuumiinta oo qadiimi ahaa ayaa loo yaqaanaa Sarta Shilinka waana astaanta ku sawiran lacagta Shilling Soomaaliga.

Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.