Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska in ay noqoto ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya Iyo madaxa xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Catriona Laing ayaa xilka kala wareegeysa James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka, kaas oo lagu ammaanay waxqabadkiisa iyo hogaamintiisa inta uu xilka hayay.
Haweeneyda madaxda ka noqoneysa howlaha Qaramada Midoobe ee dalkan ayaa heysata in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xaga diblomaasiyadda, horumarka, iyo xiriirka caalamiga ah, Laing waxa ay soo qabatay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda Ingiriiska heer qaran iyo heer caalami. Waxay dhawaan soo noqotay Safiirka Ingiriiska ee Nigeria iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Zimbabwe.
Xilkeeda cusub Catriona Laing waxaa ay fududeyn doontaa wadahadalada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta, iney ka caawiso dowladda Soomaaliya dhismaha hay’adaha dowliga ah, horumarinta xuquuqul insaanka iyo ku dhaqanka sharciga, isku dubaridka dadaallada gargaarka bini’aadinimo, iyo taageeridda nabadda iyo amniga qaranka.
Magaceeda oo dhameystiran ayaa ah Catriona Wendy Campbell Laing, waxaa ay shahaadada Master ee cilmiga dhaqaalaha kasoo qaadatay kuliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London iyo Master oo maamulka iyo Ganacsiga ah oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield oo labaduba ku yaalla Boqortooyada dalka Ingiriiska.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.