
War ay baahiyeen Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Faramaajo uu qorsheenayo in Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan uu u magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Mire Axmed Mataan ayaa mar soo noqday Taliyihii Waaxda Dembi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo xiligaasi muujiyay karti iyo Howl hufan. Sidoo kale G/sare Mire Axmed Mataan ayaa soo noqday Taliyihii waaxda Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska.
Dhinaca kale Gaashaanle sare Mire Axmed Mataan Ayaa ah qof wax bartay isagoo heysta darajada Master-ka waxa uuna bartay Culuumta Sharciga ( Law ).
Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan ayaa sidoo kale Ka soo baxay Kulyadihii Modana Iyo Carabinieri ee lagu baranayay Sharciyada Ciidanka Booliska oo ay bixin jirtay Dowladda Talyaaniga.
Mire Axmed Mataan ayaa waxaa aad loogu xasuustaa kaalintii wanaagsanayd ee uu ka qaatay soo saarista ciidan tayeysan, anshax Iyo dhaqan wanaagsana leh isagoo soo noqday macalin dhanka Sharciyada Ciidanka Booliska soona saaray Ciidan dhan waliba ka dhisan una Adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dad badan ayaa qaba in haddii Gaashaanle Sare Mire Axmed Mataan loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed la imaan doono isbadal muuqda oo laga soo dharaan dhiriyay maskax Cilmi iyo waayo aragnimo Eebbe uu u hibeeyay taas oo abuuri doonta Jiho Iyo waa cusub oo u iftiimay gudahaan Bulshada Soomaaliyeed.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.