Sheikh Shaakir oo sheegay in ay qabteen ragii ka dambeeyay dilkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Sheekh-696x392Madaxa Xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilkii 4-ruux oo dhowaan lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa ku tilmaamay falkii ay raggan ku kaceen uu ahaa mid aan wanaagsanayn waxaana uu shaaciyay in maxkamad la horgeyn doono.

Madaxa xukuumada Galmudug Sheikh Shaakir ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Ammaanka Galmudug ay wadeen howlgalo ay ku raadinayaan dadkan oo dil u geystay afar ruux oo la sheegay in ay shinni ku xanaaneynayeen deegaanka Bulucle ee duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Hase yeeshee ma sheeginĀ  Sheikh Maxamed Shaakir tirada dadka loo soo qabtay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystey afarta ruux ee xoogsatada ahayd.

Afarta ruux ee lagu diley duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa ka soo jeeday gobolada Koofur-Galbeed waxaanaĀ Ā magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa in dadka ka soo jeeda gobolada Koofur-Galbeed ay isaga baxayaan magaalada, kadib markii ay lasoo deristey cabsi xoogan.

%d bloggers like this: