Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo  muddo ka badan bil ku xirnaa Magaalada Hargeysa.
Xildhibaanka ayaa la xiray markii uu ku dhawaaqay in Maalinta 18-ka May ee ay Somaliland u calaamadeysay gooni isu taaggeeda ku sheegay in ay tahay Maalin ay leeyihiin Beelo gaar ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Beelaha Somaliland aysan u dhameyn Maalinta 18-ka May, waxaanu sheegay in isaga uusan ka qeyb ahayn dadka xusaya.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in sii deynta Xildhibaan Dhakool ay timid kadib markii Beesha uu ka soo jeedo ay raaligelin ka bixiyeen hadalkaasi uu yiri, balse weli Xildhibaanka afkiisa lagama hayo wixii uu horay usheegay ee lagu xiray in ay saxnaayeen iyo in ay qaldanaayeen.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.