Wararka qaar ayaa sheegayo in dadka la dilay ay ahaayeen dad kasoo jeedo hal beel, oo lagu tuhmayo dilka Calio Dhiif oo kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-gidir, inkastoo aan weli laga helin faahfaahin dheeraad ah.
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdkariim Xuseen Guuleed oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in dadka la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan, waxayna arrintaan noqotay mid si weyn loo hadal hayo.
Dabley Hubeysan ayaa Caawa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Galmudug.
Dilka oo ka dhacay Gaalkacyo dhanka Galmudug waxaa geystay dabley ku hubeysan bastoolado islamarkaana rasaas la dhacay xilli uu marxuunku fadhiyay goob lagu shaaho.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Cali Dhiif ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Nabad suggida Galmudug.
Xoogaa kadib dilka Taliyaha ayaa waxaa meel aan sidaas uga fogeyn meesha uu dilka ka dhacay lagu dilay 9 qof oo la sheegay in loogu aargudayey taliyihii la dilay.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.