Omar Faruk Osman oo noqday hogaanka ugu sareeya ee xukumaya 3-da sano ee soo socota ururka suxufiinta Adduunka ee IFJ.

Xoghayaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Omar Faruk Osman ayaa ka mid noqday hogaanka ugu sareeya ee xukumaya 3 sano ee soo socota ururka suxufiinta adduunka IFJ.

Shirweynaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee ka soconayaay magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa waxaa si aqlabiyad leh loogu doortay hoggaanka ugu sarreeya ururka suxufiyiinta adduunka waxaana kusoo baxay Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Kadib tartan uu galay Hogaamiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj Omar Faruk Osman ayaa waxaa uu helay 192 cod oo ka mid ah 216 cod, waxaa uuna sidaasi ku noqday hogaanka ugu sareeya ee 3-da sano ee soo socota xukumaya Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.

%d bloggers like this: