Baasaboorka Soomaaliga ah oo laga aqoonsaday dalka Switzerland.

Baasaboorka Soomaaliga ah oo laga aqoonsaday dalka Switzerland, Dowladda Swiss-ka ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay aqoonsan tahay Baasaboorka diblamaasiga ah iyo kan shaqaalaha ee dalka Soomaaliya.

Kadib dadaal badan oo ay gelisay Safiirada dowlada Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland Amb. Fadumo Abdulahi Insaaniya. Amb. Fadumo waxay geed kore iyo mid hoose u fuushay in Bassaboorka Soomaaliyeed laga aqoonsado Switzerland, taas oo keentay in labada dal isweydaarsadeen wafdiyo ka kala socday labada dal ee Switzerland iyo Somalia.

Iyadoo ugu dambeyntiina miradhalkeedii noqday aqoonsiga Baasaboorka Somalia. Iyadoo kan caadiga ahna la rajeynayo in la aqoonsan doono goordhow sida ay sheegtay Amb. Fadumo.

%d bloggers like this: