Guddoomiye kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlamanka oo soo saaray go’aano lagu go’doominayo Guddoomiye Mursal.

Mudey-MahadGuddoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow soo saaray go’aan u muuqda mid lagu go’doominayo awoodda Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ayay waxay ugu horeyn ku sheegeen maareeynta khilaafka Golaha Shacabka oo si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Goluhu galay khilaaf Dastuuri ah.

Waxaa ay sheegeen in guud ahaan laga doonaayo shaqaallaha iyo maamulka Golaha in aysan ka qeyb galin Khilaafka cusub ee Guddoonka, si loo ilaaliyo Hantidada iyo dhammaan Ammaanka xarunta.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Mahad Cawad oo akhriyay qodobada ay soo saareen ayaa waxaa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda, maadaama lakala diray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hoolka Xarunta Villa Hargeysa aanay ku shiri karin Xildhibaanada kala aragti duwan.

Waxaa uu kaloo sheegay in aan Xarunta Golaha Shacabka ay u dhaxeyso dhammaan xubnaha Golaha, si aanay koox aragti kale wado aysan ugu kulmin xarunta.

Go’aanka Guddoomiye kuxigeenada ayaa u muuqda mid ay ku go’doominayaan awooda Guddoomiyaha u leeyahay inuu ku maamulo Baarlamaanka iyo Miisaaniyadda Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka

%d bloggers like this: