Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda siyaasada Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku soo dhoweeyay Siyaasiga mucaaradka qeybta VIP-da Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.
C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ay garbihiisa ka muuqdaan Xildhibaanada mucaaradka ayaa xillgan ka qeyb qaadanaya munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka socota degmada Hodan.
Imaanshaha Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka uu galay xaalad siyaasadeed, kaddib markii shalay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.