La taliyaha Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa sheegay kala dirida Guddiga Maaliyadda in husan waafaqsaneyn xeer hoosaadka.

lataliyaha gudoonka baarlamankaLa Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa su’aal ka keenay sharcinimada kala dirida Guddiga Maaliyadda, isagoo caddeeyay in aanay waafaqsaneyn Xeer hoosaadka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku muujiyay in kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda uusan ku raacsaneyn Guddoomiye Maxamed Mursal oo dalka Turkiga ku maqan.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”ayuu yiri La Taliyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/qaadir Maxamed Nuur.

Qoraalka La Taliyaha ayaa waxaa uu jawaab yahay qoraal goor sii horeysay barteeda Facebook ku qortay Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ay ku sheegtay in imaanshaha Guddoomiye Mursal aanay waxba ka bedeli doonin qoraalkii uu ku saxiixnaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa ka soo horjeeda kala dirida Guddiga Maaliyadda, isagoo laga soo xigtay in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu kala tashan tallaabadaas.

%d bloggers like this: