Advertisements

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo kulan laqaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub.

wasiirka difaacaWasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socotay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Saraakiisha Midowga Yurub iyo wasiirka difaaca dalka ayaa ka wada hadlay sidii howlgalka midowga Yurub u labo laabi lahaa tabbabarada ay siiyaan ciidanka xoogga dalka, iyadoo wasiirka ugu mahad celiyay taageerada dib u dhiska ciidanka Soomaaliya ay siiyaan.

“Waxaan maanta xafiiskeyga wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay xubno Saraakiil ah oo ka socday Midowga Yurub,” ayuu ku yiri wasiirka qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo EUTAM ayaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ka gacan siiyay qalabeynta iyo tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Amar dambe, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudadii uu xafiiska joogay waxaa uu si weyn xil isaga saaray sidii loo tayeyn lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, iyadoo la yimid qorshiyaal cusub oo arrintaas lagu dardargelinayo.

Advertisements
%d bloggers like this: