Taliyayaasha Ciidamada dowlada oo kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Taliska Ciidanka Booliiska ayaa waxay kaga hadleen isla xisaabtanka, qaabka amniga, adkeynta baraha lagu baaro gaadiidka iyo muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo ka warbixiyey shirka degdegga ah ee Talisyada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo adag oo ka dhan ah gudasha la’aanta masuuliyaadda amni ee askarta iyo saraakiisha.
“Ma qaadan doono mar dambe mana yeeleyno in baabuur dad hubeysan ay saaran yihiin ay ka so gudbaan baraha koontarool bartii uu soo dhaafo ayaa qaadaneysa mas’uuliyaddeeda, dhibkii dhaca cid unbaa mas’uuliyaddeeda iska leh waxaan ka bilaabeynaa ciidamada booliska ee taagan baraha-koontarool, baaristiina waa socotaa”ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Taliyayaasha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxyadii argagixiso ee dhacay Jimcadii, isla markaasna sharciga la horkeeni doono cid kasta oo ka gaabisay in ay ka hortagaan falkaas arxan darrada ah ee lagu gumaaday shacabka.
Kulankan ka hor ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu kulan degdeg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, isagoo faray inay si dhakhso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga dalka iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay ciidamada Booliska waxaana uu qaraxyada ka dhacay Hotel Saxafi kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo qaraxii Zobbe ee sanadkii hore.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.