Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo jawaab ka bixiyay eedeymo uu usoo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax.

yariisow-iyo-JoodaxGudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn uu u soo jeediyay Xildhibaan Warsame Joodax  oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka.

Eng Yarisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Xildhibaan Warsame Joodax uu ka xanaaqsan yahay markii laga qaaday xarun waaxda Waaberi oo shacabka loogu adeegayay isagana uu ku doodayo inuu sharci u haysto.

“Waxay ahayd inuu oggolaado halka uu warbaahinta ka caytamayo,Shaqsi goob Dan Guud  si gaar ah uma isticmaali karo.”ayaa ka mid ahaa ereyadii uu Eng Yariisow ku qoray bartiisa Facebooga.

%d bloggers like this: