Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhintey qarax ka dhacay goordhoweyd magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu xirey baabuur nooca raaxada ah ee uu watay xildhibaanka.
Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahin ayaa noqonaya xildhibaankii 4-aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhinta qarax ama weerar ay fuliyeen kooxdaAl-Shabaab.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxaa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.