Xisbiga siyaasadeed ee ay sameysteen Madaxda afarta dowlad goboleed ayaa loogu magac daray Horusocod Qaran, (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas. HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA
Sidoo kale waxaa is bedel lagu sameeyay Hoggaanka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xisbiga Horusocod Qaran ee ay sameysteen Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo ay uga qeyb galayaan doorashada 2020 ee la qorsheynayo inuu noqdo doorasho xisbiyadeed.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.