Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa goordhow markii ugu horeysay taariikhda u codeeyay isla markaana u doortay Madaxweyne Haweeneey lagu Magacaabo, Sahle-Work, Zewde ,markii uu is-casilay hoggaamiyihii hore, Mulatu Teshome.
Ms, Sahle-Work, ayaa ah khabiir in badan kasoo shaqaysay Qaramada Midoobay, lehna aqoon maamul iyo waaya aragnimo wanaagsan.
Hadal kooban oo ay ka hor-jeedisay Baalmaanka ayay kaga hadashay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda Dalka, sida ay sheegtay Warbaahinta Qaranka Dalkaasi Itoobiya ee FANA.
Doorashada Haweeneydan ayaa imanaysa Todobaad ka dib markii uu Raāiisul Wasaaraha Dalkaasi, Abiy Axmed Cali , Magacaabay Golahiisa wasiirrada, kuwaas oo kala bar ahaa Haween.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.