Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo raalli gelin buuxda ka bixiyay hadalkii gefka ahaa ee ka careysiiyay dadka ku hadla Afka Maayga.

FB_IMG_1539164706188-696x464Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu maalintii isniinti ka sheegay Baarlamaanka oo ku saabsanaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga, iyadoo jawaabta uu ka bixiyay ay ka careysiiyay dadka ku hadla lahjada Maayga.

Wasiir Xayir ayaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga ku jawaabay in aanu afka Maayga fahmin, isla markaana uu ku yiri Xildhibaanka inuu “waqtiga iska khasaariyay, oo qolo kale la hadlayay”

Guddoomiyaha Golaha Shacaboa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulankii maanta kaga dalbaday Wasiir Xayir inuu raalli gelin ka bixiyo hadalkiisa, maadaama shacabka ku hadla luqadda Maayga ay ka mid yihiin shacabka uu Wasiirka u yahay.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir ayaa yiri “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raalli gelin ayaan bixinayaa, Xildhibaan Fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay”

Intaas kaddib Xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii tabanayay in qalad laga galay dadka ku hadla afka Maayga ayaa sheegay inuu aqbalay raalli gelinta Wasiiru dowlaha.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu weeraray Wasiir dowlaha Maaliyadda, waxaana dad badan ku tilmaameen hadalkiisa ahaa ma fahmo afka Maayga iyo qolo kale ayaa la hadleysa inay aheyd mid jees jees ah, inta badan dadka ka falceliyay hadalkaas ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu xilka ka qaado, si la mid ah Wasiirkii hore Waxbarashada oo xil ka qaadistiisa eersaday hadal uu ka sheegay Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1539164706188-696x464

%d bloggers like this: