Advertisements

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaka Soomaaliya oo soo gabo gabeeyay dooddi ku saabsaneyd Amniga Caasimada.

FB_IMG_1537372521217Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada Amniga ee dalka gaar ahaan Amniga caasimada magaalada Muqdisho.

Kulanka waxa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyadoo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Shirka Xildhibaanada ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 150 Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo Guddiga Amniga iyo Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada Guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan Amniga ee Xildhibaanada ay ka doodayeen labadii maalin ee la soo dhaafay.

FB_IMG_1537372529239FB_IMG_1537372521217

Advertisements
%d bloggers like this: