Advertisements

Madaxweyne Waare oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle u qabtay Dowlada Dhexe.

FB_IMG_1537356659624-640x480Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in laga heshiiyay Tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Federaalka, sidaa darteedna ay wada shaqeyn la yeelan doonaan Dowlada dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa Dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka mira dhaliso wada hadalada xalka loogu raadinayo Tabashooyinka ay qabaan Maamulada hoostaga Dowlada dhexe.

“Dowlada waa inay ka mira dhaliso wada hadalada socda, dhibaatooyinka aan sheeganana ay wax nagala qabtaan, hadii arrimaha jiro ay xaliyaan Maamulada kalena waxay dhihi doonaan Wada hadalka faa’iido ayaa ku jirta”.ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay Madaxweynaha inuu ka gacan geysan doono isu soo dhaweynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada si loosoo afjaro isfaham waaga taagan.

FB_IMG_1537356659624-640x480

Advertisements
%d bloggers like this: