Advertisements

Kooxda Al-shabaab oo weerar kedis ah markale ku qaaday degmada Marka.

al-hijra-696x465Wararka hoose ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in caawa ay weerar dhuumaaleysi ah ku soo  qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Marka.

Qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada Marka ayaa sheegay in xaafado kamid ah magaalada ay la wareegeen maleeshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab balse weli dagaalku uu soconayo.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka ka bilowday magaalada Marka iyadoo ay tahay markii labaad ee ay weerar xilli maqribnimo ah ay Al-Shabaab ku qaadaan xarunta gobolka Sh/hoose oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowlada.

Inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa dadkii degenaa ay isaga barakaceen iyagoo soo galay magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

al-hijra-696x465

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: