Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-Macaan & faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya.

dagaalWaxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay meel udhexeysa deegaanada Ceelmacaan iyo Ceel-Cadde duleedka Bari ee magaalada Muqdisho.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada deegaankaas ay caawa degen tahay iyadoo iska horimaad hubeysan oo gelinkii dambe ka dhacay ay ku dhinteen shan ruux halka siddeed kale ay ku dhaawacmeen.

Iskahorimaadkan ayaa waxa uu dhex maray labo maleeshiyo beeleed kuwaasoo isku haysta dhul laga qodo dhagxaanta iyo carada.

Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa weerar kedis ah ku qaaday maleeshiyo ku sugneyd kaawo ama meelaha dhagxaanta laga qodo waxayna halkaa ku dileen afar halka sideed kale ay ku dhaawaceen.

Deegaanka la isku haysto ayaa waxa ay wararku sheegayaan in dhowaan ay ku heshiiyeen oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka soo jeeda labada dhinac ee dagaalku dhex maray.

Iskahorimaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan hoos taga degmada Balcad waxayna wararku sheegayaan in ciidamo ka tegey magaalada Balcad ay gaareen halka uu dagaalku ka dhacay.

Iskahorimaadyada sababa qasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku soo laablaabta deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

dagaal

%d bloggers like this: