Advertisements

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug oo Mooshin laga gudbiyay.

Cali-Gacal-Casir-696x392Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa wararku ay sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye Cali Gacal Casir.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug ayaa ku sababeeyay in uu gabay shaqadii loo igmaday ayna tahay mid lagama maarmaan ah in lala xisaabtamo.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhowdahay sagaashan ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda.

Hase yeeshee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa ka horyimid mooshinka laga gudbiyay waxana uu ku tilmaamay mid been abuur ah ayna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay mooshinka ka gudbiyeen.

Mooshinka laga gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu salka ku hayaa khilaafka ka dhex jira madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug, waxaana uu guddoomiyaha baarlamaanka galmudug uu ka horyimid go’aanka ka soo baxay Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada oo ay ku hakiyeen la shaqeynta dowlada federalka.

Cali-Gacal-Casir-696x392

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: