Advertisements

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo sheegay in dadka ku dhaqan Degmada oo isku duuban ay dib u dhisi doonaan goobihii ay argagixisadu burburisay.

FB_IMG_1536608252726-640x850Guddoomiyeha Degmada Hodan Mudane Abdihakiin Cabdirixman Ciiise (Dhagajuun) ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiidday weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisada Alshabaab ay ku beegsadeen Degmada.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Degmada Hodan sida ay ugu gurmadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii argagixisanimo iyo isku- duubnida ay muujiyeen.

“Dadka ku dhaqan Degmada Hodan oo isku duuban waxa ay dib u dhisi doonaan Masaajidkii, goobaha ganacsigii iyo Xarunta Degmada ee argagixisadu burburisay, waxa ayna muujin doonaan in aysan u liicayn falalka ay maleegayaan argagixisada Alshabaab.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Degmada Hodan in ay xoojiyaan lashaqeynta laamaha ammaanka, si loo dabar gooyo falalka gaadmada ah ee argagixisada, loogana hor tago gumaadka ay ku hayaan shacabka.

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: