Guddoomiyihii degmada Xamar Weyne oo la sii daayay, kadib baaritaan lagu sameeyay.

jeegGuddoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg oo  todobaadkii hore shaqo joojin lagu sameeyay kadibna xabsiga CID-da loo taxaabay ayaa  Maanta lasii daayay.

Sii deynta Cumar Shariif Jeeg ayaa waxaa xaqiijiyay xubno kamid ah qoyskiisa, waxaana qoyska Cumar Shariif ay ku tilmaameen xarigiisa inuu ahaa shirqool, sida ay hadalka udhigeen.

Lama oga in damaanad lagu sii daayay iyo in dambiyadii lagu eedeeyay inuu galay  lagu waayay.

Dhowaan ayaa waxaa dalka dib ugu soo laabtay Shariif Jeeg oo ah aabaha dhalaya  Cumar Shariif kaasoo kamid ahaa jilayaashii riwaayadihii Banaadiriga aad looga jeclaa Dalka.

Wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa 5-tii bishaan September waxaa shaqada looga joojiyay gudoomiyihii degmada Xamar, waxaana Gudoomiyaha lagu xiray xarunta Dambi baarista CID-da oo baaritaano kuwaday gudoomiyaha.

Ugu dambeyn weli wax war faahfaahin ah soo deys madiisa kama soo bixin dhanka CID-da.

jeeg

%d bloggers like this: