Advertisements

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka yimid Puntland.

DSC_0158Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Booliska, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada dawlad goboleedka Puntland.

Saraakiishaan ayaa la baray Sharciga xaquuqul iinsaanka, Baarista kufsiga iyo Maareynta dambiyada, waxaana tababarka bixinayey Macalimiinta Booliska oo kaashanayo Hay’adda Bancroft global development iyo Hay’adda international narcotics and law.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa saraakiisha maanta tababarka loo soo xiray kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ku dhaqma casharada kala duwan ee la baray.

S/gaas Bashiir ayaa xusay in Taliska ciidanka Booliska ay ka go’an tahay sare u qaadida aqoonta ciidanka, waxaana uu tilmaamay in la kordhin doono tababarada kala duwan ee ciidanka la siinayo.

DSC_0186DSC_0158DSC_0205

Advertisements
%d bloggers like this: