Advertisements

Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

8Shir ka dhacay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, kaasi oo ay ka qeyb galeen ganacsato, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo xubno kale.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ganacsatadu ugala shaqyan lahaayeen Dawladda Soomaaliya qaadashada kaarka Aqoonsiga Dhalashada ee (National ID), kaasi oo muhiimad gaar ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Dalka Imaaraadka Carabta ku nool.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Mudane Axmed Global oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid lagu doonayo in lagu hirgeliyo mashruuca qaadashada kaarka Aqoonsiga.

“Mashruucan muddo sanad ah ayuu soo socday, waxaana ugu looga hadlay sida lagu hirgelin karo mashruuca kaarka Aqoonsiga, waxaa la qorsheeyay in qofkasta oo Soomaali ah loo helo kaarka aqoonsiga oo muujieysa, waxaana faa’iidooyinka ka mid ah in qofkasta uu sameysan karo account bak, in qofka uu helo waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Danjire Axmed.

Gancsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Imaaraadka ayaa goobta ka jeediyay baahiyaha ay u qabaan kaarka Aqoonsiga dhalashada ee Qaran (National ID), iyagoo tilmaamay in kulanka ay waxbadan isku dhaafsadeen ganacsatada iyo mas’uliyiinta ka qeyb gashay

Gabagabadii Madaxa Istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa sheegay in mashruucan uu lagama maar maan u yahay ganacsatada, maadaama ay adeegsadaan xawilaadda, taasi oo u sahleysa in qofka uu helo kaarka aqoonsiga dhalashada, isla markaana uu noqdo qof la aqoonsanyahay.

“Muddo ka badan sanad ayaan soo wadnay howshan, Kaarka aqoonsiga waxaa kaloo uu naga anfacayaa Dowladnimada Qaranka, oo ah aruurinta cashuuraha, taakuleynta bulshada, arrimaha amniga ” ayuu yiri Dr Nuur.

8

Advertisements
%d bloggers like this: