Wasaaradda Waxbarashada XFS oo munaasabad sagootin ah u sameysay ardey deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha.

Munaasabadda-sagootinta-ardeyda-deeqda-waxbarasho-ka-helay-shiinaha-1Munaasabad lagu sagootinayo 41 ardey oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ( Jaabur), xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Peng, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda. Continue reading

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadka.

08203b90-1823-4477-9eb0-eb185fbf5c54Wasirika Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u Guddoomiyay shir looga hadlayay mashruuc cusub oo dowladda Jarmalka ugu talo gashay in lagu horumariyo Waxbarashada iyo Caafimaadka. Continue reading

Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

8Shir ka dhacay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, kaasi oo ay ka qeyb galeen ganacsato, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo xubno kale. Continue reading

Guddoomiye G/ Banadir oo Ankara kaga qeyb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka.

unnamed-9Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo uu wehelinayo Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ka qayb galay Shirka Guud ee Midowga Caasimadaha Adduunka oo maanta lagu qabtay magaalada Ankara ee Dalka Turkiga. Continue reading

Al-Shabaab oo Godane ugu baroordiiqday weerarka Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka.

GodaneKooxda Al-Shabaab ayaa dilkii horjoogohoodii hore Axmed Godane 4 sanno kadidb ku xusay weerar ay ka geysteen Masaajid iyo Malcamad Qur’aan, maxaysa xaaladda ay kooxdaas la nooshahay maanta. Continue reading

%d bloggers like this: