Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeer shaqo ku tagay difaacyada Ciidanka ku sugan magaaladda Marko.

IMG_0078Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar  iyo saraakiil kale, ayaa booqday furumaha ee dagaalka magaalada Marko ee Xarunta gobolka Sh/hoose.

Gen. Odowaa, ayaa mid mid u kormeeray difaacayada Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Marko, waxaana uu xog wareystay  Ciidanka halkaasi ku sugan, iyaggoo Abaanduulaha Warbixin ka siiyey Xaaladda amni ee Marko.

S/guuto Odowaa yuusuf raage, ayaa waxa uu ciidamada ku dhiirigaliyay in aysan ka niyad jabin dagaalka ka dhanka ah nabadiidka Al-shabaab oo hadda ah Koox aan itaal laheyn oo baxsad ah, isaggoo kula dardaarmay in shaqada adag ee ay hayaan ay sii labo jibaaraan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in aan loo duqaadan doonin in si sharci darro ah nabadiidka u xasuuqaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, Saraakiisha iyo Ciidanka Magaaladda Marko ku sugan ayuuna faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab, si Shacabka looga dul qaado dhibaatada argagixisada ay ku heyso.

IMG_0091IMG_0078

%d bloggers like this: