Posted on September 21, 2018 by SomaliSwiss
Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed,waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan,sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wafdiga ka socda Aqalka sare oo Baydhabo kula kulmay Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed.
Posted on September 21, 2018 by SomaliSwiss
Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland,waxayna kala  hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wafdiga Aqalka sare oo Kismaayo kula kulmay Odayaasha dhaqanka iyo Ururka Haweenka Jubbaland.
Posted on September 21, 2018 by SomaliSwiss
Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay kamid noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Dowladda oo Ansixisay kamid noqoshada Soomaaliya ee Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Naafada.
Posted on September 20, 2018 by SomaliSwiss
Ciidamada amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya oo Gacanta kusoo dhigay Laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Posted on September 20, 2018 by SomaliSwiss
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur , ayaa sheegtay inay Wasaaraddu ka go’an tahay inay Gacanta ku qabato dhammaan Isbitaalladii uu Dalku lahaa. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ku howlan sidii ay ula wareegi lahaayeen Isbitaalladii danta guud.
Posted on September 20, 2018 by SomaliSwiss
War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Islaashiga dowlad goboleedyada ayaa jawaab degdeg looga bixiyay mowqifkii maamul goboleedka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii maamul goboleedyada ku gaareen Kismaayo ee xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay mowqifka Hirshabeelle uga laabatay go’aankii Kismaayo.
Posted on September 20, 2018 by SomaliSwiss
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodii ku saabsaneyd xaalada Amniga ee dalka gaar ahaan Amniga caasimada magaalada Muqdisho. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaka Soomaaliya oo soo gabo gabeeyay dooddi ku saabsaneyd Amniga Caasimada.
Posted on September 19, 2018 by SomaliSwiss
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in laga heshiiyay Tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Federaalka, sidaa darteedna ay wada shaqeyn la yeelan doonaan Dowlada dhexe. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Madaxweyne Waare oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle u qabtay Dowlada Dhexe.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay meel udhexeysa deegaanada Ceelmacaan iyo Ceel-Cadde duleedka Bari ee magaalada Muqdisho. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay deegaanka Ceel-Macaan & faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
Wararka hoose ka imanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in caawa ay weerar dhuumaaleysi ah ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Marka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Kooxda Al-shabaab oo weerar kedis ah markale ku qaaday degmada Marka.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir loo gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug oo Mooshin laga gudbiyay.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee arrimaha bulshada (Tubta Arrimaha Bulshada) oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada Ee Arrimaha Bulshada Oo Ka Hadlay Yaraynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiskaasi uu ka madax banaan yahay laamaha kala duwan ee dawladda iyo dhinacyada siyaasadda dalka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo sheegay inay ka madax banaan yihiin arrimo siyaasadeed.
Posted on September 11, 2018 by SomaliSwiss
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa ka Warbixiyay Qodobada looga hadlayo Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka uu kaga qeyb galayo Dalka Koonfur Africa. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Qeyb galaya Shirka 23aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Adduunka.
Posted on September 10, 2018 by SomaliSwiss
Guddoomiyeha Degmada Hodan Mudane Abdihakiin Cabdirixman Ciiise (Dhagajuun) ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiidday weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisada Alshabaab ay ku beegsadeen Degmada. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Guddoomiyaha Degmada Hodan oo sheegay in dadka ku dhaqan Degmada oo isku duuban ay dib u dhisi doonaan goobihii ay argagixisadu burburisay.
Posted on September 10, 2018 by SomaliSwiss
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah u furay kalfadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka DFS, isaga oo xubnaha Golaha Shacabka uga warbixiyey dadaallada dowladnimada lagu xoojinayo ee dalka ka socda. Khudbadda Madaxweynuhu waxa ay taabanaysay dhinacyda amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya iyo barnaamijka Is-xilqaan. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in ay soo xireen Albaabkii u dambeeyay ee isfaham la’aanta dalalka geeska Afrika.
Posted on September 8, 2018 by SomaliSwiss
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiil uga ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating.
Posted on September 8, 2018 by SomaliSwiss
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo khadka taleefanka kuwada hadlay ayaa iska xog wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka.
Posted on September 8, 2018 by SomaliSwiss
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark, kadib martiqaad uga yimid dowladda Denmark ayaa kulamo la qaatey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Socdaalka, iyo Xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wasiirka Amniga Soomaaliya oo wadanka Denmark kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalkaasi.
Posted on September 8, 2018 by SomaliSwiss
Guddoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg oo  todobaadkii hore shaqo joojin lagu sameeyay kadibna xabsiga CID-da loo taxaabay ayaa Maanta lasii daayay. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Guddoomiyihii degmada Xamar Weyne oo la sii daayay, kadib baaritaan lagu sameeyay.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Kalfadhigii labad ee aan caadiga aheyn ee Xildhibaanada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay Ajandayaasha Horyaala Xildhibaanada kuwaasoo ahaa:- Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo bedelay calanka doortayna afhayeen cusub.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ku amartay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyadaâ€. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Dowlada Federalka Soomaaliya oo amar deg-deg ah dul dhigtey madaxda maamul goboleedyada.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil ka tirsan Booliska, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada dawlad goboleedka Puntland. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Taliyaha Ciidanka Booliska oo Muqdisho tababar ugu soo xiray Saraakiil ka yimid Puntland.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea ayaa Shalay gaaray heshiis horudhac ah oo u Gogol-xaaraya in lasoo Af-jaro colaaddii muddo ka taagnayd xadlka ay wadaagaan Labada Dal ee dhalisay Gacan ka hadalka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Dowladaha Jabuuti iyo Ertetrea oo muddo dheer kadib gaaray heshiis horu-dhac ah.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib Madashii Shiinaha iyo Afrika ee uu kaga qayb galay Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee uu Asmara kula yeeshay Hoggaamiyeyaasha dalalka Ereteriya iyo Itoobiya. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo booqday goobtii iyo Xaruntii Degmada Hawlwadaag ee ay dhowaan Qarxiyeen Argagixisada Al-Shabaab.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Wasiir dawlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo dhowaan loo magacabay Xilkaasi, ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay Wasiir dowlahii hore ee Madaxtooyada Mudane C/qaadir Macalin Nuur. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegay Xilka.
Posted on September 7, 2018 by SomaliSwiss
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sh. Maxamud.
Posted on September 5, 2018 by SomaliSwiss
Munaasabad lagu sagootinayo 41 ardey oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ( Jaabur), xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Peng, Waalidiin iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Wasaaradda Waxbarashada XFS oo munaasabad sagootin ah u sameysay ardey deeq waxbarasho ka heshay Shiinaha.
Posted on September 5, 2018 by SomaliSwiss
Wasirika Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta si wada jir ah u Guddoomiyay shir looga hadlayay mashruuc cusub oo dowladda Jarmalka ugu talo gashay in lagu horumariyo Waxbarashada iyo Caafimaadka. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka oo ka wada hadlay horumarinta dhanka Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Posted on September 5, 2018 by SomaliSwiss
Shir ka dhacay magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa soo qaban qaabisay qunsuliyadda Soomaaliya ee Dubai, kaasi oo ay ka qeyb galeen ganacsato, Mas’uuliyiinta Safaaradda iyo xubno kale. Continue reading →
Like this:
Like Loading...
Filed under: Muqdisho | Comments Off on Shir looga hadlay kaarka Aqoonsiga Soomaaliya oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.
You must be logged in to post a comment.