Advertisements

Stan Kroenke oo la wareegay Milkiiyada Arsenal

stan-kroenkeStan Kroenke ayaa la wareegay milkiyada kooxda kubada cagta Arsenal oo ka dhisan horyaalka Ingiriska kadib markii uu ka gatay boqolkiiba sodon Alisher Usmanov oo sheer ku ahaa kooxda arsenal.

Bilyaneerka u dhashay dalka Mareykanka ayaa lahaa boqolkiiba 67 milkiyada kooxda kubada cagta Arsenal waxaana uu iibsaday inta uu lahaa Alisher Usmanov waxaana uu kaga gatay 550 Milyan oo lacagta giniga ah.

Stan Kroenke ayaa ahaa shaqsi lagu xusuusto in uu tageero weyn u ahaa Arsene Wenger oo 22 sano ku sugnaa kooxda Arsenal waxaana Tageerayaasha kooxda Kubada Cagta Arsenal ay u qaadan Stan Kroenke naceeb maadama uu ahaa shaqsiga kaliya ee ku qanacsanaa in Wenger uu joogo kooxda ayadoo aysan ku guuleysaneen koob, Tageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa lagu xusuusta in ay soo qoran jireen hal dhigyo ay ka mid ahayeen Kroenke ka tag kooxda iyo erayo kale oo naceeb ku Saleysnaa waxaana ugu danbeyntii uu yeeshay Milkiiyada kooxda arsenal boqolkiiba boqol.

Arsenal ayaanan ku guuleysan horyaalka Ingiriska tan iyo sanadkii 2004 waana sababta kaliftay in tageerayaasha kooxda Arsenal ay gadood ku sameeyan milkilayaasha kooxda Arsenal iyo Macalin Arsene Wenger oo ugu danbeyntii isaga tagay Kooxda mudo dhowr sano ah kadib waxaana xili ciyareedkisii ugu danbeyay uu ku dhameystay kaalinta lixaad oo kooxda ku dhameysato ay ka qayb gasho koobka Uefa Ueropean League waxaana uu ku guuldareystay in kooxda ay qayb gasho koobka ugu weyn oo ay ka qayb galaan kooxaha Yurub.

Arsenal kulanka ugu horeeya horyaalka Ingiriska waxay la ciyaari doonta Kooxda Man city oo horyaalka Difaacaneyso  waxaana hogaan doono Macalin Uniu Emery waana markii ugu horeysay oo macalin Cusub uu hogaamiyo 22 sano.

skysports-arsenal-fans-banner-stan-kroenke-everton-premier-league-supporters_39600221462397967_bdella

Advertisements

Thanks for your comment on SomaliSwiss

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: