Advertisements

Dekadda iyo Horseed yaa adkaan doono beri galab

Cabdi Joon iyo Yuu Cali oo beri galab isku dhegan markii ugu horeysayna ku wada kulmi doona Tartanka Star League oo Sanadkaan la bilaabay markii ugu horeysay.

Labada Macalin ayaa garoon isla soo wada galay Yarantoodii ayadoo sidoo kale dhowr Jeer ay wada Ciyaaren ayagoo sidoo kale ah laba Macalin.

Cabdi Joon iyo Yuu Cali ayaa waxay wada kulmeen Sadex jeer Xili Ciyareedkii la soo dhaafay Horyaalka Soomaaliya, Laba jeer oo horey waxeey ku Soo Wada kulmeen Xiligii Cabdi Joon uu leylinayay Kooxda Elman labadii Kulan ee hore waaxay kala qaaten Min Sadex dhibcood oo labada dhinac ah, kulankii Sadexaad oo ahaa kii ugu danbeyay oo ay wada Ciyareen labada Macalin waxay ku heshiiyeen barbaro 2-2 ah.

Cabdi Joon afartii Kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hortagay Kooxdisii hore ee Dekadda laba jeer ayuu ka adkaaday hal barbaro ayuu la galay ayadoo kulanka kale laga adkaaday, Kulankii u danbeyay kii ka horeyay ayaa ahaa mid kooxda Dekada looga adkaaday 3-0 Waxaana uu ahaa markii ugu horeysay ee laga adkaado Kooxda Dekadda ku dhawaad 24 Kulan oo aanan laga adkaan Dekadaha kulamada ay ciyaartay horyaalka dalka waxaana Rikoor ka jabiyay Cabdi waxaana uu ahaa kulanka kaliya ee laga adkaaday Dekadda Horyaalkii ay ku guuleysatay 2017-18.

Beri galab ayeey ku wada balansan yahiin Dekadda iyo Horseed garoonka Banaadir ee degmada Cabdul Casiis ex-Koonis Sacaada markii ay tahay 3:30

Advertisements
%d bloggers like this: