Advertisements

Wadooyin hor leh oo kuyaala Muqdisho oo biro cusub lagu xiray (Daawo Sawirada

1 (1)Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa loo yaqaan xasilinta ayaa biro ku xiray qaar kamid ah Wadooyinka jid cadayaasha ah ee dhax mara xaafadaha magaalada Muqdisho xili Madaxweyne Farmaajo amar ku bixiyay in la furo wadooyinkii horey loo xiray.

Wadooyin Jid cadayaal ah oo kuyaala Xaafado katirsan Degmooyinka Waabari iyo Howlwadaag ayaa lagu xiray biro, waxaana wadooyinkan la xiray qaarkood yihiin kuwa aysan mari karin gaadiidka balse isticmaali jireen mooto bajaajta.

Sida aan wararka ku helnay Wadooyinka biraha lagu xiray ayaa inta badan markii laamiga la xiro waxaa so mari jiray mooto bajaajta oo laamiga kaga soo dhici jirtay, waxaana birahan waadoyinka la dhax suray lagu shubay shub adag oo celinaya.

Shacabka magaalada Muqdisho oo rajo ka qabay in dib loo furo wadooyinkii horey loo xiray ayaa ka niyad jabay in mar kale lasii xiro wadooyinka yar yar ay mararka qaarkood maraan mooto bajaajta.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa horey loogu xiray dhagxaan waa weyn oo shub ah, waxaana wadada kaliya la mari karo ay tahay laamiyada oo mararka qaarkood ciidamada amaanka iyana xiraan.1 (3)1 (2)1 (1)

Advertisements
%d bloggers like this: