Dabley hubaysan ayaa maqribkaan caawa waxa ay dil ka gaysteen suuqa Khudaarta ee Bakaaraha, gaar ahaan dhanka xigta Degmada Hodan.
Dableyda hubaysan ayaa beegsaday Nin ganacsade ahaa oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi, Xiligaa wuxuu isu diyaarinayay inuu Gurigiisa aado.
Kooxdii dilka gaysatay ayaa ka baxsatay halkaasi, waxaana goobta tagay ciidamada ammaanka dowladda oo halkaasi hawlgal ka sameeyay.
Kooxdi dilka geysatay ayaa sidoo kale dhaawac ugeysatay ganacsade Moos ku iibinayay Goobta, Ganacsadaha dhaawaca ah waxaa haleeshay rasaastii lagu dilayay Marxuumka geeriyooday.
Ciidanka ayaa la sheegay inay soo qabteen dhawr qof oo la tuhmaayo inay ka dambeeyeen falkaasi dhacay oo hada baaris lagu haayo.
Lama garanaayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkaan loo gaystay Ninkaasi Qudaarta ka ganacsanayay yo cidda ka dambeysay dilkiisa.
Maydka Marxuumka la dilay ayaa laga qaaday goobta waxaana la geeyay xarunta dambi baarista ciidanka Booliska halkaasi oo lagu baarayo.
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.