Advertisements

Feysal Cali Waraabe oo ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo.

IMG-20180718-WA0008Hoggaamiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo xusay in kulankaas uu dalbaday Madaxweyne Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay in Soomaali xilligan u baahneyn dhibaato, isla markaana la qeybsado kheyraadka, dagaalkana la joojiyo.

“Waxaa Farmaajo kala hadalnay sidii deeqaha loo qeybsan lahaa, dagaalka loo joojin lahaa, sidii jawi wanaagsan loo abuuri lahaa, Soomaalida wadadii lagu jabay laga leecin lahaa oo wado wanaagsan oo nabad lagu keeno, intaas dhan waa isku afgaranay”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay Idaacada BBC isagoo ku sugan magaalada Brussels.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu kala hadlay sidii wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland loo bilaabi lahaa.

Mar uu ka hadlay arrinta dagaalka Tukaraq ayuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ugu dhaartay in dagaalkaas aanu gacan ku laheyn, isla markaana ay ka rumeysteen.

Advertisements
%d bloggers like this: