Advertisements

Agaasimaha guud ee (NISA) oo lashaaciyay in uu ku tunto sharciga ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya.

thumbIlaa markii lasoo magacaabay Agaasime Xusen Cusman Xuseen wuxuu Caado iyo dhaqan ka dhigtay inuu si bareer ah ubaalmaro sharciga ciidanka iyo hanaanka dowladimada.

Hoos Waxaan kusoo koobayaa tacadiyada ka dhanka ah ciidanka ee uu gaystay intii uu Talada nisa hayay oo kasoo Bilabmaysa 28 feb 2018.

1.Sida sharciga dowliga ah qabo agaasimaha marka uu magacaabayo xil waxaa waajib ah inuu latashi la sameeyo madaxda qaranka iyo kuxigeenadiisa, ma dhicin inta uu xafiiska joogay inuu waxtalo la yeesho kuxigeenadiisa waana arin markhaati madoonto ah oo meelwalba kasheego , wuxuu si cad amar u duldhigay saraakiisa inaysan la macaamili Karin kuxigeenada ‘ waxaanse la yaabay waraaqdii sharciga aan waafaqsanay ee uu qoray 16 July maxayeelay xilli hore ayuuba si baraatiko ah uga joojiyay shaqada.

2.Markaa agaasiamaha uu safar aadayo waxaa waajib ah inuu shaqada xafiiska si kusime ah uu ugu wareejiyo kuxigeenkiisa Laakin Xusen uurkuus oo tirada 5 Jeer ahsafray cidna ugama tagin masuuliyadda Hay’adda NISA’ safarkii ugu danbeeyay ee uu safray 27 June uuna soo noqday 13 july 2018 wuxuu safaray asagoon cidna usheegin wax xilwareejin ahna aan samayn Waxaana arintas ka dhashay in askar ay u geeriyoodeen dacdaro iyo masuuliayad la aan .

3.Wuxuu kala diray ciidankii iyo saraakiishii NISA oo laga cayriyay loona diiday inay xarunta yimaadaan waxaa si sharci darro ah uu uga jartay mushaarkii ( sharci ahaan sarkaalka Waa la ganaaxi karaa waxaana laga xukumikaraa 30 % wax aan ka badnayn mushaarkiisa, in laga jaro Waa inay maxkamada ciidanka xukuntaa kadib marka lagu soo eedeeyo faldanbiyeed)

4.Wuxuu xilal u magacaabay rag ay cadda hay inay Alshabab xiriir lalahaayeen qaar koodna dhowrjeer la xiray qaarna Ayba maxkamadu xukuntay( waalaga heli karaa Galka xukunka maxkamadda iyo hogaanka baarista waana soo bandhigi doonaa)

5.Wuxuu markii ugu horaysay xafiiska ka dhigay meel khuraafaad iyo sixir halkii larabay inuu ku shaqeeyo xirfad iyo aqoon waaqici ah.

3734010012878058680212063358568651996266496n

Advertisements
%d bloggers like this: