Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray Addis Ababa

Kheyre Addis ababaWafdi Uu Hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa Galinkii Danbe Ee Maanta ka Anbabaxay Magaalada Muqdisho Ayaa Gaaaray Magaalada Addis Abeba Ee Dalka Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu casuumad rasmi aha ka helay dhiggiisa dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la lah ra’iisul wasaari Abiy Ahmed iyo madax ka tirsan midowga Afrika ist ein ka wada hadlayaan arimo muhiim u ah gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Socdaalka ra’iisal wasaare Kheyre ee Addis Abeba ayaa labadii cisho ee la soo dhaafayba siweyn loo hadal hayay, waxaana la filayaa arimahua uu soo qaadi doono madaxda Itoobiya in ay ka mid noqon doonto arinta heshiiskii Imaaraadka ee dekedda Berbera oo Itoobiya ay ku laheyd saamidhan 19%, waxana heshiiskaa ka horyimid dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Abeba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: