Munaasabad lagu dhaarinayey Wasiiraddii dhawaatan la magaacabay oo maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa Muqdisho.

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa xilalkoodii kula wareagay Wasiiraddii dhawaan uu magaacabay ra’iisal wassaare Xassan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa dhaarta xubnaha cusub ee golaha Wasiirrada ku biraya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, Labadiisa ku xigeen iyo raiisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guüed Khadar.

Xubnaha maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, Wasiu kuu xigeenno io Wasiiru Dowlayaal ayaa mas’uuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Dhaarinta kaddib ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ayu dhega nuglaadaan la xisabatanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-ki Bishan Ayay Ahayd Markiu Raiisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre Soo Magacaabay 13 Xubnood Oo Isugu Jira Wasiiro, Wasiu KU Xigeenno Iyo Wasiiru Dowlayaal, Kuwaas Oo Buuxiyay Boosas und Banane 12 ka Mitte ah Yihiin xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

SomaliSwss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: