Gudiga gurmadka Qaran ee fatahaadaha oo Lacag deeq ku wareejiyay gudiga gurmadka Fatahaada Jubbaland.

Guddiga Gurmadka.JPG1Sida Ay Sheegeen Guddiga Gurmadka Qaranka in Deeqdan Loogu Talo Galay in der Saiyo Qoysaska und Saameeyeen Fatahaadaha Webiyada Iyo Daadadka Ka dashay Roobabka Ayaa Lagu Wareejiyay Gudiga Gurmadka Fatahaadaha Iyo Daadadka Ka dashay Roobabka ee Jubaland.

Guddiga GurmadkaWasiirka waraaradda arimaha gudaha Soomaaliya Mudane Kabdi Max’ed Sabriye iyo Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo deeqdan ay usoo wakiisheen gudiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa ku wareejiyay Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Jubalbadn Mudane C / qaadir Xaaji Max’uud Lugadheere.

Lacagaha oo ahaa 150.000 $ (Boqol iyo Konton kun oo Doollar) oo Kaash ah iyo $ 100 oo Jeeg ah ayuu Madaxweyne kuxigeenku kusii warejiyay Wasiirka waxbarashada Jubbaland Mudane ahna gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha iyo fatahaadaha ka dhashay roobabka ee Jubbaland Mudane Max’ed Ibraahim Max’uud

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo madasha wareejinta lacagta ka hadlay ayaa sheegay in lacagahan ay dowladda Soomaliya ugu talo gashay in la gaarsiiyo shacabka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku dhibaateeysan degmooyinka iyo deeegaanada Jubaland.

 Madaxweyne kuxigeenka 2-AAD ee Jubbaland Ayaa UGA mahadceliyay dowladda Soomaaliya deeqda ay soo gaarsiiyay dadka ay waxyeelada kazoo gaartay fatahaadda, isagoo xusay in deeqdan ay ka Jubbaland Ahaan ku dari doonaan lacago kale, islamarkaana gaarsiin doonaan dadka ay waxyeelada u geeysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobabka.

Dhawaan ayay ahayd markii gudiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ay deeq lacageed oo gaareeysa $ 150,000 ku waareeyyay maamulka gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo loo qeeybiyay dadka ay saameeyeen fatahaadihii webiyada Juba und Daawo ee gobolkaasi mara.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: