Advertisements

Beesha Caalamka oo sheegtay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka hubaysan ee ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

 

War ka soo baxay Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ay aad uga walaacsan yihiin dagaalka  hubaysan ee ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin deg deg ah.

Dagaal culus ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku dhaxmaray ciidamada Puntland iyo Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaalkaa uu geystay khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Saaxiibada Caalamku ayaa waxaa ay labada dhinac ugu baaqeen in ay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, oo ay billaabaan wada hadal dhex-mara taliyeyaasha ciidamada goobta ku sugan, xaqiijiyaana gaarsiinta gargaarka baniaadanimo ee loo wado dadka barakacay, ayna ka wada-hadlaan kala-qaadista ciidamada iyo is-weydaarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsaday.

Waxaa kaloo ay tilmaameen in shaqaaqadu ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sagar, iyaga oo intaas ku daray in dagaalka uu uga sii darayo dhibaatada heysata dadka ku nool deegaanka.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Belgium, Denmark, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ugu dambeyn ku baaqay dhammaan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: