Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Soomaaliya oo maanta furay shir looga hadlaayo Mashaariicda horumarinta Dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billahah ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda, Amniga iyo Siyaasadda.

 Waxaa Shirkan ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Safirada Dalalka Caalamka und jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Shirkan Maanta Uu Furay Ayaa Inta Uu Socda Waxaa Diiraddda Lagu Saari Doonaa Sida Ay Socdaan Mashaariicda Horumarineed, Waxyaabihii Ka Qabsoomay Qadobadii Looga Hadlay Shirarkii Hore Iyo Arrimaha La Xiriira Amniga, Siyaasadda Iyo Cadaaladda.

Sidoo kale inta socca shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira io sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: