Sida lagu sheegay War saxaafadeedka uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa lagu caddeeyey in uu sii kordhaya Khasaaraha ka dhashay Roobab lixaad leh oo wata Duufaanno dhaliyay Daadad xooggan oo ka da’ay Todobaadkan qaybo ka mid ah Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in Roobabkan dabaylaha wata ay saameeyeen Dad gaaraya 669 kun oo Qof, halka ay galaafteen nolosha 80% xoolihii ku dhaqnaa degaanadaas.
Sidoo kale waxaa warkan kasoo baxay Soomaaliland lagu sheegay in 25 Qof ay ku dhinteen Roobabka iyo Duufaannada is wata, 12 Qof na ay ku dhaawacmeen, halka 27 kalana la la’yahay.
Masuuliyiinta Gobollada Xeebta ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya inuu Khasaaruhu intaa ka badan yahay oo ay tirada dhimashadu marayso 29 Qof , halka tiro intaa ka badanna la la’yahay.
Maamulka Soomaaliland ayaa baaq qayla dhaan ah u diray Beesha caalamka iyo Dadka qurba joogta ah, si ay ugu qayb qaataan taakulaynta Dadka ku waxyeelloobay Duufaannada iyo daadadka.
SomaliSwiss     Hargeysa
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.