Ciidamada Dowladda oo howlgal dad lagu soo qabqatay ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Waxaa fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho howlgal culus, kaas ayaa ka danbeeyay kaddib Qarax miino oo inta u dhaxeysa Ex Koontarool Afgooye iyo xaafadda Haanta-Dheer, kaas oo sababay dhimashada Labo ruux oo shacab ah.

Qaraxan miino ee Dadka Badan Loo Soo Xiray Ayaa Lagu Bartilmaameedsay Gaari Cabdi Bille ah oo ay la Socdeen ciidamo ka Tirsan Militariga Soomaaliya, hasse Ahaatee lama Sheegin Wachs khasare ah oo ciidamada ka Soo Gaaray Qaraxa.

Howlgalkan oo ay ciidamadu xalay sameeyeen saqdii dhexe ayaa lagu soo qabqabtay papa du badnaa dhalinyaro, kuwaa oo loo gudbiyay xarumaha baarista, waxaana ay hay’addaham amnigu sheegeen in der sii deyn doono cid kasta oo aan danbi laheyn.

Al-Shabaab Ayaa Inta Bada Waxa Ay Weeraro Iyo Qaraxyo Ka Geystaan ​​Fariisimaha Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Amisom Ai Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho Iyo Gobolada Dalka, Balse Ilaa Hadda Ma Jirto Cid Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: