Advertisements

Ra’iisaal wasaare Kheyre oo booqday dadkii wax yeellada ka soo gaartay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Ra’iisaal wasaare Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyayaasha ciidamada ayaa kormeeray dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay ilaa 6 Ruux Ayaa Ku Dhimatay Roobabkan 24kii Saac Ee la Soo Dhaafay Ka Da’ayay Magaalada Muqdisho Iyo Deegaannada Ku Dhaw Dhaw, Sidoo Kalana Waxaa KU Guryo Beellay Boqolaal Qoysas ah oo u Badnaa Dadka Danyarta ah Ee Ku Nool Xaafaddaha Magaalada.

Ra’iisal wasaaraha oo xog-wareystay dadkan badan kadib ayaa wuxuu faray maamulka gobolka Banaadir in la dardar-galiyo gargaarka iyo gurmadka loo fidinayo qoysaskan oo meel cidlo ah ku soo dhacay.

Waxaa kaloouu ra’iisal wasaaruhu kormeeray jidadka Muqdisho qaarkood oo ay roobabku bur buriyeen iyo meelaha biyo fariisinka ah ee sababay in isku socoda magaaladu uu kala go’o.

Ra’iisul wasaaraha Kheyre ayaa shacabka Soomaliyed ugu baaqay in ay ka qeyb qaatan gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ku kala nool magaalada iyo qaar ka mid ah gobolada dalka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: