Roobabka iyo dableylaha is wata ee labadii cisho ee la dhaafay ku dhuftay deegaannada ku teedsan Gacanka Cadmeed gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya ayaa sababay burburka guryo badan ,iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay .
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in roobabkan culus la filayo in ay ka sii socdaan xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland.
“Hay’adaha Bani’aadamnimada ayaa si dhow ula soconaya xaaladda wax-yeelada duufaanta ka soo gaartay dadka ku nool Puntland iyo Somaliland,” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay hay’adda gargaarka ee Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Puntland, roobab culus ay ka da’een , waxaana ka mid ah meelaha ugu daran Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax.
“Qiyaastii 35 guri,15 doomood oo yaryar ayaa ku burburay, waxaa sidoo kale ku dhintay 1,260 xoolo ah degmada Las-qoray” sidda ay sheegtay Hay’adda.
Puntland ayaa sheegtayy si loo fududeeyo iska warqabka dadka iyo maamulka la bilaabay in la adeegsado talleefoonnada gacanta oo dadka loogu dirayo fariimo la xiriira in ay ka fogaadaan dhulka godan iyo togagga ay biyuhu maraan si loo soo yareeyo khasaaraha nafeed ee ka dhalan kara duufaantan iyo roobabka wada socda.
SomaliSwiss News UN
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.